HORUFADHI MEDIA |

Dowladda oo War kasoo saartay Dagaal culus oo ka dhacay Gobolka Galgaduud

Wasaaradda arrimaha gudaha, Federaalka iyo dib u heshisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ay baaq nabadeed u dirtay labo beelood oo ku dagaalamay deegaanka Laanqaylo oo 8 KM ujirta magaalada Xeraale Gobolka galgaduud ee dowlad Goboleedka Galmudug.

Wasaaradda ayaa waxaa ay ugu baaqday Odayaasha dhaqanka, waxgaradka deegaanka iyo dowlad Goboleedka Galmudug, in ay ka shaqeeyaan joojinta colaadda iyo nabadaynta beelaha wada dega deegaankaas.

“Ugu dambayn, Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshisiinta ayadoo ka xun colaadaha soo noq noqday ayaa waxay si gaar ah ugu boorineysaa beelahaas ay dirirtu dhax martay in ay ka dheeraadaan wax kasta oo kala fogeyn kara walaaltinnimada dhexdooda ah, dagaalkana ay joojiyaan isla markaana ay ka shaqeeyaan in colaadda laga gaaro nabad waarta” ayaa lagu yiri Qoraalka Wasaaradda.

Dagaal khasaaro geystay ayaa laba maleeshiyo beeleed waxaa uu ku dhexmaray deegaanka Laanqaylo oo 8 KM ujirta magaalada Xeraale Gobolka galgaduud ee dowlad Goboleedka Galmudug, dhowr qof ayaa dhimatay, halka dadka ay dhaawacmeen.

Hoos ka Akhriso Qoraalka 

Exit mobile version