Site icon HORUFADHI MEDIA |

Dowladda oo War kasoo saartay Al-shabaabkii ugu badnaa oo hal goob lagu dilay

Ciidanka Kumaandooska Xoogga dalka Soomaaliyeed ee Gorgor kuna sugan deegaanka Masaajid Cali Gaduud ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa aroornimadii saaka gubay gaari Layla calaawi ah oo Al-shabaab ay ka soo buuxiyeen Qaraxyo.

Taliyaha Guutada 17-aad G/le dhexe Dayax Cabdi Cabdule ayaa u xaqeejiyay warbaahinta Ciidamadda Qalabka sida in gaariga laga warhaayey sidaasna loogu gubay inta uusan soo Gaarin fariisinka Ciidanka gaarin.

Dhinaca kale Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Jeneraal Cabdullaahi Cali Caanood ayaa faah faahin ka bixiyey dagaaladii saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaanada Garas Magan iyo Ceel-Hareeri.

Wuxuu sheegay Afhayeenka in dagaalo saacado badan socday ay Ciidanka dowladda Federaalka, kuwa deegaanka ee macwiisleyda iyo Al-shabaab uu ku dhexmaray deegaanka Ceel-Hareeri, uuna ka dhashay khasaaro farabadan oo dhimasho iyo dhaawac leh.

Afhayeenka ayaa sheegay in dagaalada Al-shabaab looga dilay 100-xubnood, halka dhankoodana uu gaaray khasaaro Ciidamada, waa sida uu hadalka u dhigay Jeneraal Caanood oo intaas kusii daray in dagaalka ay barbar socotay duqeyn diyaaradeed.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA 

Exit mobile version