HORUFADHI MEDIA |

Dowladda oo shaacisay tirada Al-shabaabka lagu dilay Duqeyn Maanta dhacday

Illaa iyo 49 xubnood oo ka tirsan tirsan Al-Shabaab ayaa lagu dilay tiro kalana waa lagu dhaawacay howlgal qorshaysan iyo duqaymo ciidanka gaarka ah ee Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka,

Ciidanka Xoogga dalka iyo saaxiibada caalamiga ah ayaa duqeynta ka fuliyay deegaanka Buulo Madiino oo tirsan gobolka Shabeellaha Hoose ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Howlgalka oo ahaa mid bartilmaameed ah ayaa u dhacay sidii loo qorsheeyay waxaana lagu burburiyay dhammaan gaadiidkii dagaal iyo saanaddii hubka ay deegaankaan ku haysteen Al-Shabaab.

“Al-shabaabka lagu laayay deegaanka Buulo Madiino ayaa waxay isku diyaarinayeen dhagaro ay ku dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed, laakiin waxaa fashiliyay oo dhabarka ka jabiyay Ciidanka Sirdoonka iyo Xoogga Dalka” ayaa lagu yiri War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya.

Exit mobile version