Site icon HORUFADHI MEDIA |

Dowladda oo Maanta daah-furta ansixinta Siyaasadda Qaran ee Maamul daadejinta…

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Gen. Mukhtaar Xuseen Afrax ayaa daahfuray ansixinta Siyaasadda Qaran ee Maamul Daadejinta iyo Federaalaynta Dalka.

Wasiirka ayaa sheegay in muddo ay wasaaradu ku hawllanayd inay dhammaystirto xoojisana hannaanka Maamul Baahinta Dalka, si taas loo gaaro Wasaaraddu waxay isku hawshay inay dhammaystirto Siyaasadda Qaran ee Maamul Daadejinta iyo Federaalaynta Dalka.

Gen. Mukhtaar Xuseen Afrax ayaa la tashiyo la sameeyay dhammaan hay’adaha dowladda heer Federaal, Dowlad Goboleed iyo Maamulka Gobolka Banaadir, si loo xaqiijiyo in geeddi socodkaan qayb laga ahaa.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa tilmaamay in ka Wasaarad ahaan ay ku dadaalayaan in la dhaqan geliyo hannaanka Federaalka iyo Daadejinta Maamulka Dalka si waafaqsan Dastuurka dalka.

Ugu dambayntii, Wasiirka Wasaaradda ayaa u mahad celinayay cid kasta oo gacan ka gaysatay dhammaystirka Siyaasaddan hay’adaha Dowladda iyo hay’adaha bah-wadaagta la ah Wasaasaradda.

Exit mobile version