Site icon HORUFADHI MEDIA |

Dowladda oo ka shirtay Dagaalka AS, xilli Amniga Muqdisho uu faraha ka baxay

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa galabta guddoomiyay shir looga hadlayo dardar galinta dagaalka ka dhanka ah ee Al-Shabaab ee dhinaca fikirka,

Xamse ayaa sheegay in arrintaan qayb ka tahay qorshaha dowladda Federaalka Spp,aaliya ee in Al-Shabaab lagala dagaallamo 3 jiho oo kale ah dhaqaalaha, fikirka iyo dagaalka tooska ah ee ka socda gobolladda dalka.

Shirka ayaa lagu falanqeeyey qaabkii Shabaab looga guuleysan lahaa dagaalka fikirka ah, iyadoo la adeegsanayo culimaa’udiinka Soomaaliyeed, isla markaana xoogga la saarayo sidii wacyigalinta loo gaarsiin lahaa deegaannada dhawaan laga xoreeyey oo barnaamijka xasillinta loo dhinac wadi lahaa la dagaallanka fikirka xagjirka ah.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in dadka ku dhaqan deegaannada laga xoreeyey laga hirgaliyo goobo lagu soo bandhigayo caqiidada saxda ee Islaamka, isla markaana dadka looga wacyi galinayo fikirka khaldan ee ay kooxaha Khawaarijtu dadka u sheegayeen shan iyo tobankii sanno ee u danbeeyey.

Shalay ayey aheyd markii Al-Shabaab weerar ku bilowday qaraxyo ku qaaday Guri ku yaalla degmada Cabdicasiis oo lagu dabiibayay xaaladda caafimaad ee rag ka tirsan ciidanka macwiisleyda, oo kusoo  dhaawacamay dagaalo ka dhacay Gobolka Hiiraan.

Khasaaro isugu jiray dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay weerarka, waxaana ku dhintay in ka badan 10, halka dhowr qof kalena ay dhaawacyo soo gaareen, Al-shabaab ayaana sheegatay mas’uuliyadda weerarkaas oo soo afjaridiisa qaatay 4 saacadood

Exit mobile version