HORUFADHI MEDIA |

Dowladda oo Diyaaraddo Gargaar sida u dirtay laba Magaalo oo xaalad ay ka jirto

Hay’adda gargaara iyo maareeynta Masiibooyinka dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si deg deg ah u fulisay amar dhawaan kasoo saaray Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xamse Cabdi Barre, kaasi oo la xiriiray arrimaha gurmadka ee socda.

Hay’adda ayaa afar diyaaradood oo sidda shixnad gargaar cunto ah u dirtay magaalooyinka Beledweyne iyo Buulaburte ee Gobolka Hiiraan, waxaana gargaarka oo laga qaaday Magaalada Muqdisho loogu tala-galay dadka ay abaaraha sameeyeen.

Guddomiyaha Hey’adda Maareeynta Masiibooyinka Maxamuud Macallin Cabdullaahi ayaa sheegay inay fuliyeen amarka Ra’iisul Wasaaraha, isla markaana maalmaha soo socda gargaar kale la gaarsiin doono dadka shacabka ah ee xaaladda adag wajahaya.

Gargaarka loo diray magaalooyinka Beledweyne iyo Buulaburte ee Gobolka Hiiraan ayaa isugu jiray raashinka iyo daawooyin, waxaana deeqda gargaarka ay aheyd mid ka timid dowladda Imaaraadka Carabta oo deeqdaas soo gaarsiisay dowladda Federaalka.

Exit mobile version