Site icon HORUFADHI MEDIA |

Dowladda Mareykanka oo xayiraad cusub kusoo rogtay shaqsiyaad Soomaali ah

Dowladda Mareykanka ayaa Jimcihii mamnuucday in mas’uuliyiin iyo shaqsiyaad kale oo Soomaali ah ay u safraan Mareykanka, iyadoo ku eedeysay inay “waxyeeleynayaan hannaanka dimuqraadiyadda” Soomaaliya.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Antony Blinken ayaa sheegay in Mareykanka uu soo rogay xayiraadda fiisaha kadib markii Soomaaliya ay dib ugu dhigtay doorashadii baarlamaanka 15-ka March, taas oo ay ahey in la soo gabagabeeyo Jimcihii shalay.

“Hadda waxaan kusoo rogaynaa xannibaado fiisaha iyadoo la raacayo siyaasaddan ka dhanka ah tiro ka mid ah mas’uuliyiinta Soomaalida iyo shakhsiyaadka kale si kor loogu qaado isla xisaabtanka falalkooda is-hortaagga ah,” ayuu Blinken ku yiri bayaan ay soo saartay Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka.

Doorashada Baarlamaanka oo soo bilaabatay bishii November ayaa ah mid dadban oo ay ku lug leeyihiin odayaasha beelaha soo xulaya 275-ta xubnood ee GolaHa Shacabka, iyagoo dooran doona madaxweyne cusub waqti aan weli la cayimin.

Isha: VOA Somalia

Exit mobile version