Site icon HORUFADHI MEDIA |

Dowladda Kenya oo dib u bilaabeysa Qaadkii ay keeni jirtay Soomaaliya

Dowladda Kenya ayaa la filayaa inay todobaadyada soo aadan ay Qaadkeedii ku daabusho Soomaaliya sida uu sheegay Maanta Wasiirka Beeraha ee Dalka Kenya Peter Gatirau Munya,

Tallaabadan ayaa kusoo aadaysa, xili uu shalay Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, uu ka qayb galay Xafladdii Caleema-saarka ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud  iyadoo markii dambena labada Madaxweyne ay yeesheen kulan doceed.

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in Soomaaliya ay ku badelatay dib u dhoofinta Qaadka (Miirooga) in kalluunka Soomaaliya loo iib-geeyo Kenya iyo in la fududeeyo socdaalka dadka Soomaaliyeed ee  aadaya Kenya.

Dowladda Soomaaliya ayaan wali kamay hadal heshiiskan Kenya sheegtay in maalmaha soo socda qalinka lagu duugi doono.

Dowladdii uu hoggaaminayey Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee xilka ka degtay ayaa qaadka Kenya ka joojisay dalka markii Kenya ay samaysay Xadgudubyo ka dhan ah arrimaha Gudaha Soomaaliya iyadoo markii uu sii xumaaday xidhiidhka labada dal ay Dowladdii Farmaajo sutida usii qabatay Kenya.

Exit mobile version