Site icon HORUFADHI MEDIA |

Dowladda Federaalka oo shaacisay khasaaro Maanta la gaarsiiyay Al-shabaab

Ciidamada xoogga dalka, kuwa hay’adda Nabadsugida iyo sirdoonka Qaranka ee NISA iyo ciidanka deegaanka ee macwiisleyda ayaa howlgal qorsheysan oo saacado badan qaatay ka fuliyay deegaanka Ceeldheere oo dhaca xuduudda Gobolada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan.

Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar Alcadaala oo shir jaraa’id u qabtay warbaahinta ayaa waxaa uu ku sheegay in howlgalka oo ay barbar socotay duqeyn diyaaradeed ay fuliyeen Mareykanka lagu beegsaday dagaalyahano ka tirsanaa Al-shabaab.

Wasiir Alcadaala ayaa sheegay in howlgalka lagu dilay ku dhawaad 100 xubnood oo isugu jiray dagaalyahano iyo saraakiil, waa sida uu hadalka u dhigay Wasiir Alcadaala oo aan sheegin khasaaraha howlgalka ciidamada dowladda Federaalka kasoo gaaray.

Sidoo kale Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa tilmaamay in xubnaha la beegsaday ay ahaayeen kuwo isku uruursanayey deegaanka Ceeldheere, isla markaana haatan ay deegaankaas ku sugan yihiin ciidamada xoogga.

Exit mobile version