Site icon HORUFADHI MEDIA |

Dowladda Digniin hor leh kasoo saartay Qaraxyo ka dhici Magaalooyinka Hiiraan

Taliye ku-xigeenka qeybta Booliska Gobolka Banaadir G/Sare Cali Dhuux Cabdi Mahad Alle ayaa Digniin culus kasoo saaray qaraxyo waaweyn oo uu sheegay inay Al-shabaab qorsheynayaan inay ka geysteen magaalooyin ka tirsan Gobolka Hiiraan.

Qoraal uu bartiisa gaarka ah kusoo qoray Taliye Mahad Alle ayaa waxaa uu ku sheegay in Al-shabaab ay qorsheysay in qaraxyo ka geysato Magaalooyinka Baladweyne, Jalalaqsi iyo Buulo-burte oo ka tirsan Gobolka Hiiraan ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Taliye ku-xigeenka qeybta Booliska Gobolka Banaadir G/Sare Cali Dhuux Cabdi ayaa faray laamaha ammaanka Gobolka inay muujiyaan feejignaan dheeraad ah, si looga hortego qaraxyada oo uu xusay inay dhici karaan todobaadkiisa gudihiisa.

“Dhammaan dadweynaha somaliyeed gaar ahaan reer b.weyne b/burto iyo jalalaq waa inay galaan feejignaan abni oo dheeraada oo looga hor tegayo shirqoolo ay kooxda AS ku qorsheynayaan qaraxyo waaweyn  oo ka dhaca deegaanadaas asbuucaan gudihiisa sida aan ka heleyno ilo lagu kalsoon yahay Saraakiisha hayadaha abniga ee magaalooyinka waaweyn sida kuwa aan soo tilmaanayna waxan ka codsaneynaa inay howlahooda labalaabaan” ayuu yiri Taliye ku-xigeenka qeybta Booliska G/Banaadir.

Shalay ayey aheyd markii Dowladda Federaalka Soomaaliya ay soo saartay Digniin ku socota shacabka kunool magaalada caasimadda ah ee Muqdisho oo ay digtay inay tagaan Hoteelada, maqaayadaha iyo goobaha kale ay dadka isugu tagaan, iyadoona sheegtay in Al-shabaab ay qorsheyneyso weeraro ay ka geysato Muqdisho.

Exit mobile version