Site icon HORUFADHI MEDIA |

Doorashada Madaxtinimo ee Nigeria oo lagu kala baxay & Natiijada rasmiga

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka  Qaran ee dalka Nigeria ayaa waxaa ay xilli hore oo Maanta oo Arbaco ah ku dhawaaqeen Natiijada rasmiga ee doorashadii Madaxtinimada ee sabtidii hore (25-kii Feb) la dhacday dalkaasi oo ah waddanka ugu weyn Qaarada Afrika.

Bola Ahmed Tinubu oo ahaa Musharaxa Xisbul xaakimka haya Talada dalkaasi ee  Asiwaju Bola Ahmed Tinubu, balse loo yaqaano Bola Ahmed Tinubu ayaa la shaaciyey inuu yahay Guuleyataha Doorashada Madaxtinimada ee 2023.

Madaxweynaha La-doortay waxa uu helay  8,805,420 Cod.

Tartamaha Labaad waxaa noqday Atiku Abuubakar (عتيق أبو بكر) oo ka socday Xisbiga The Peoples Democratic Party, wuxuuna helay 6,984,290 Cod. Tartamaha Saddexaad waxaa noqday Musharax Peter Obi oo helay 6,093,962 Cod.

Si kastaba, Saddex Musharax Madaxweyne ayaa waxa uu mid kasta ku guuleystay 12 Gobal oo ka mid ah 36-ka Gobal ee uu dalkaasi ka kooban yahay.

Exit mobile version