Site icon HORUFADHI MEDIA |

DAAWO:-Doorashada kuraast ka tirsan Golaha Shacabka oo Maanta dhaceysa

Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa waxaa lagu wadaa in Maanta lagu qabto doorashada 5 kamid ah kuraasta Golaha Shacabka oo degaan doorashadoodu tahay degaannada Koonfur Galbeed.

Kuraasta doorashadooda Maanta la qabanayo ayaa kamid ah 11 kursi oo Guddiga doorashooyinka Koonfur Galbeed ay shaaciyeen 1-dii Bishaan, waxaana Shanta kursi ku loolami doona Xildbibaano horay ugu fadhiyay iyo kuwa doonaya inay hadda kamid noqdaan Golaha Shacabka.

Ilaa 100 Ergo ah ayaa kursigiiba u codeyn doona, kuwaas oo dhawaan tababar loosoo geba-gabeeyay, waxaana kuraasta Maanta doorashadooda ay ka dhaceyso Magaalada Baydhabo ay kala yihiin.

1: Hop156 oo uu ku fadhiyo Cali Cabdi Cusmaan, balse ay ku tartami doonaan Maxamed Aadan Maxamed & Maxamed Ibraahim Isaaq.

2: Hop176 oo uu horay ugu fadhiyay Maxamed Mursal Maxamed Boorow, waxaana ku tartamaya Cabdixakiin Mustaf Ibraahim iyo isla Maxamed Mursal Maxamed Boorow.

3: Hop184 oo uu ku fadhiyo Xasan Cabdinuur Cabdi oo ay ku tartami doonaan Maxamed Cabsullaahi Cali, Xasan Cabdnuur Cabdi iyo Maxamed Xuseen  Mukhtaar.

4: Hop46 oo ay ku fadhisay Raabaco Sheekh Nuur, kaas oo ay ku tartami doonaan Maxamed Wardheere Aadan iyo musharrax kale.

5: Hop85 oo uu horay ugu fadhiyay Shariif Maxamed Cabdallaahi, waxaana ku tartami doona isla Shariif Maxamed Cabdullaahi iyo musharrax kale.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA 

Exit mobile version