Site icon HORUFADHI MEDIA |

Doorashada kuraas harsan oo Maanta ka dhaceysa Magaalada Dhuusamareeb

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug ayaa waxaa lagu wadaa inay Maanta oo sabti ah ay ka dhacdo doorashada lagu dhameystirayo kuraasta ka harsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ee Galmudug.

Doorashada dhaceysa ayaa waxaa ku tartamaya Afar Musharax oo u sharaxan laba kursi oo kamid ah 8 kursi ee Aqalka Sare ee Galmudug, waxaana kursiga koowaad ku tartamaya Cawil Nuur Cali iyo Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo afar sanno Senator ahaa.

Kursiga labaad ayaa waxaa ku loolamaya Cabdi Cismaan Xareed iyo Mahad Aadan Guuleed, waxaana afartaan Musharax diiwaan-geliyay Guddiga doorashooyinka Galmudug, isla markaana siiyay shahaadada Musharaxtinimo ee Aqalka Sare.

Doorashada oo saacadaha soo socda ka dhaceysa Dhuusamareeb ayaa waxaa goobjoog ka noqon doona Wafdi ka socda Guddiga doorashooyinka heer Federaal, kuwa xalinta khilaafaadka, Guddiga doorashada Galmudug iyo Mas’uuliyiin kala duwan.

Maamulka Galmudug ayaa noqon doona maamulka ugu dambeeya ee dhameystira doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka, waxaana horey u dhameystiray maamul Goboleedyada, Jubbaland, Puntland, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed.

Exit mobile version