Site icon HORUFADHI MEDIA |

Diyaarad sidday dhaqaatiir Caafimaad iyo Deeq Daawo ah kasoo degtay Muqdisho

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan Aadan oo Garoonka diyaaradaha Muqdisho kusoo dhaweeyey dhaqaatiir u dhalatey Dalka Jabuuti oo qeyb ka ah gurmadka daweynta dadkii ku dhaawacmey Qaraxyadii ee 29-kii October ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Dowladda Jabuuti ayaa sidoo kale soo dirtey Daawo ay uga talagashey in ay kaga qeyb qaadato Gurmadka iyo daweeynta Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhaawacmey Qaraxyadii isxigxigey ee Al-shabaab ka geysteen Isgoyska Zoobe 29-kii October.

Wasaaradda  Caafimaadka Xukuumadda Federaalka ayaa horey u codsatey dhaqaatiirta taqasus u leh kiisaska halista ah in loosoo diro Soomaaliya si ay uga qeyb qaataan gurmadka Caafimaad ee dhaacyadii Zoobe taas oo fursad kale u ah in dhaqaatiirta Dalkeena ay hellaan qibrado ku filan oo bari looga maarmi karo kiis walba in dibadda loo qaado.

Wasiir Dr Cali Xaaji Aadan ayaa u mahad celiyey Dowladda Jabuuti oo Dawo iyo dhaqaatiir qeyb ka ah gurmadka dhaawacyadii Zoobe usoo dirtey Soomaaliya kadib baaqii Wasaaradda Caafimaadka ee ku aadanaa in Soomaaliya loo soo diro khuburo Caafimaad oo taqasus u leh Qaliida Dadka gubtey iyo Kiisaska adag ee aan dalka waxba looga qaban karin.

Exit mobile version