Site icon HORUFADHI MEDIA |

Dilalka loo geysanayo Soomaalida K/Afrika oo kordhay iyo weerar markale dhacay

Faah faahino ayaa laga helayaa kooxo hubeysan oo burcad Koonfur Afrikaan ah oo xalay deegaan ka tirsan Magaalada Cape Town ee dalkaas ku dilay Muwaadiniin Soomaaliyeed oo goobo Ganacsi ku lahaa Magaalada Cape Town.

Muwaadiniinta Soomaalida ayaa lagu weeraray dukaan ay ku lahaayeen deegaanka Khayalisha oo katirsan Magaalada Cape Town, iyagoona halkaas lagu dilay, kadib markii dabley hubeysan ay rasaas xoogan ku fureen dhallinyarada Soomaaliyeed.

Inta la xaqiijiyay weerarka lagu qaaday dukaanka ganacsato Soomaaliyeed ku laheyd Cape Town ayaa waxaa lagu dilay labo wiil oo Soomaali ah oo magacyadooda lagu sheegay Yuusuf Jowhar iyo Yaasiin Cumar ,waxaa sidoo kale goobta iyana lagu dilay labo nin oo kale oo kasoo jeeda dalka Malawi.

Ciidamo ka tirsan Booliska dalka Koonfur Afrika iyo dhallinyaro Soomaaliyeed oo gurmad ah ayaa gaaray goobta lagu dilay Soomaalida iyo dadkii la shaqeenayay , waxaana goobta ka baxsaday kooxdii weerarka geesatay.

Exit mobile version