Site icon HORUFADHI MEDIA |

Dilal ka dhacay Galmudug & Dad ka Careysan oo Banaanbax dhigay

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan dilal aanooyin qabiil lala xiriiriyay oo ka kala dhacay Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug iyo degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan ee Maamulada Galmudug iyo Hir-Shabeelle.

Maleeshiyaad hubeysan ayaa Bartamaha degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan waxaa ay kudileen laba Dhalinyaro ah oo kamid ahaa dadka kunool degmadaas, iyaga oo dilka kadib goobta ka baxsaday.

Alle u Naxariistee labada Ragga ah ee lagu dilay degmada Matabaan ayaa waxaa kamid ahaa Faarax Cali (Towle) oo mar soo noqday hoggaanka Dhalinyarada degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan.

Dhinaca kale isla xalay waxaa Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug lagu dilay laba Nin oo Ganacsatao ahaa, kuwaas oo lagu magacaabi jiray Saciid Tahliil Maxamed iyo Xasan Diirshe, iyada oo maleeshiyaadkii dilka geystay ay baxsadeen.

Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ka dhacay Bannaanbax looga soo horjeedo dilkii xalay sidoo kalena ay inta badan xiran yihiin Goobaha Ganacsiga.

Exit mobile version