Site icon HORUFADHI MEDIA |

Dil ka dhacay xaafad ka tirsan Magaalada Muqdisho iyo faah faahin laga helay

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya koox ku hubeysnaa Bastoolado oo xalay gudaha degmada Warta-nabadda ee Gobolka Banaadir ku dilay Mid kamid ah Ergooyinka soo xulay Xildhibaanada Baarlamaanka dowladda Federaalka Soomaaliya.

Goobjoogayaal ayaa ku warramay in dilkaas ay Ninka Ergeyga ahaa u geysteen rag dhalinyaro oo watay Bastoolado, waxaana xiligii la dilayey Ergeyga uu sugnaa xaafad ka tirsan degmada Warta-nabadda ee Magaalada Muqdisho.

Ninka Ergeyga ahaa ee la dilay ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay Ismaaciil Maxamed Aadan, waxaana markii dambe goobta ka baxsaday dadkii ka dambeeyay falkaas oo aan heybtooda la garan.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka ayaa durbo gaaray goobta uu falku ka dhacay, iyagoo halkaas ka sameeyay baaritaano kooban oo ay ku baadi goobayaan dadkii dilay Ismaaciil Maxamed Aadan oo Ergey ahaa.

Al-shabaab warar ay ku qoreen barahooda Internet-ka ayey ku sheegteen mas’uuliyada dilka loo geystay Ismaaciil Maxamed oo kamid ahaa Ergooyinka soo xulay Xildhibaanada Baarlamaanka dowladda Federaalka Soomaaliya.

Exit mobile version