Site icon HORUFADHI MEDIA |

Dibadbaxyo looga soo horjeeda in Doorashada laga wareejiyo Garbahaarey oo dhacay

Banaanbax ayaa qaar kamid ah Bulshada kunool degmada Beled-Xaawo ee Gobolka Gedo waxaa ay ka dhigeen Gudaha degmada iyo xadka degmadaasi ay la wadaagto Magaalada Mandheera ee dalka Kenya.

Dadka banaanbaxa dhigaya ayaa sheegay inay kasoo horjeedaan faragelin iyo in la musuq maasuqa doorashada 16 kursi ee taalla Magaalada Garbahaareey ee Xarunta Gobolka Gedo.

Banaanbaxayaasha oo socdaal dheer ku maray Xaafadaha degmada Beled-Xaawo ayaa ku dhawaaqayay Erayo ay kamid yihiin, Musuq maaquq doonineyno, Dollar qaate Dooni meyno, Axmed Madoobe doonimeyno iyo Erayo kale.

Qaar kamid ah banaanbaxayaasha oo hadlay ayaa waxaa ay sheegeen in Axmed Madoobe iyo dad uu taageero ka helayo ay kenya ugu horreeyso ay doonayaan in doorashada laga wareejiyo degmada Garbahaareey.

Doorashada kuraasta taalla degmada Garbahaareey ee Gobolka Gedo ayaa waxaa ka taagan khilaaf siyaasadeed oo u dheexeya dowladda iyo Maamulka Jubbaland, iyada oo dhawaan guddi qiimeeya xaalada Garbahaareey uu Ra’iisul Wasaaraha u diri doono

Exit mobile version