Site icon HORUFADHI MEDIA |

Dhul-gariir ka dhacay Tanzania & Burbur xooggan oo ka dhashay

Dhul-giriir ayaa waxa uu ka dhacay deegaan 33 KM dhanka K/Bari kaga toosan Degmadda Ikungi ee Gobalka Singida ee dalka Tanzania.

Dhul-gariirka Halbeegiisu ayaa waxa uu ahaa 5.5 Richter Scale, lamana soo sheegin dad wax ku noqday, inkastoo uu jiro burbur soo gaaray qaar ka mid ah Dhismooyinka.

Dadka ku nool deegaanka uu Dhul-gariirku ka dhacay ayaa sheegay inay burbur soo gaareen Muraayadaha daaqadaha iyo khaanadaha (Shelves) oo soo wada daatay.

Dhanka kale, Dhul-gariirka ayaa waxaa laga dareemay Deegaanada iyo Degmooyinka kala ah: Puma, Itigi, Mungaa, Mtinko iyo Dodoma.

Exit mobile version