Site icon HORUFADHI MEDIA |

Dhacdo Naxdin leh: Maleeshiyaad hubeysan oo dilay Haweeney Xaalimo aheyd

Wararka naga soo gaaraya Gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ee Maamulka Galmudug ayaa sheegaya in maanta qaybo ka mid ah gobolkaasi ay dil ka geysteen maleeshiyaad hubeysan oo abaabulnaa..

Dilka ayaa waxaa lagu soo warramayaa in loo geystay haweeney xaamilo aheyd, sidoo kalena ka mid aheyd dadka xoolo dhaqatada ah ee deegaanka Kaxandhaale ee Gobolka Galgaduud.

Marxuumadda ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Hodan Cabdi Jaamac, sida ay sheegeen ilo dadka deegaanka ah, waxaana xiligii la dilayey ay ku sugneyd deegaanka Kaxandhaale, isla markaana ay la joogtay xoolo ay laheyd.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku sii daraya in dilkaan uu salka ku hayo arrimo la xiriira aano Qabiil, waxaana goobta ka baxsaday maleeshiyaadkii ka dambeeyey falkaasi, kuwaasi oo ay ku raad-joogaan laamaha amniga Maamulka Galmudug.

Deegaanada Maamulka Galmudug ayaa waxaa kusoo noq-noqday dagaal beeleedyada oo saameyn xoogan ku yaashay nolosha dadka shacabka ah ee ku dhaqan Gobolada Galgaduud iyo Mudug.

Exit mobile version