Site icon HORUFADHI MEDIA |

DAAWO:-Dhaawaca Afhayeenka Xukuumadda oo loo qaaday Dalka dibaddiisa

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa Goordhow ka duushay Diyaarad lagu qaaday dhaawaca Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Maxamed Ibraahim Macalimuu oo shalay lala beegsaday qarax Is-miidaamin ahaa.

Dhaawaca Afhayeen Macalimuu ayaa Garoonka Aadan Cadde looga qaaday diyaarad qaas oo ah kuwa Caafimaadka oo lagu geyn doono dalka Turkiga, si xaaladdiisa Caafimaad loogu dabiibo, waxaana Garoonka ka sagootiyey Mas’uuliyiin iyo bahda Warbaahinta.

Afhayeenka Xukuumadda Federaalka ayaa waxaa uu dhaawaca ka gaaray lugta oo uu ka jabtay iyo gacan, sidoo kalena xabbadka ay ka gaartay jug xoog leh, isagoo markii uu dhaawacmay la dhigay Isbitaalka Digfeer ee Muqdisho oo dhowr baaritaan ku maray.

Maamulka Isbitaalka Digfeer iyo dhaqaatiirtii la tacaaleysay xaaladda Macalimuu ayaa sheegay in dhaawaca Afhayeenka Xukuumadda uu yahay mid fudud, isla markaana uusan darneyn, waxaana Muuqaalo laga soo duubay lagu arkayey isaga oo sheekeynaya.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA 

Exit mobile version