HORUFADHI MEDIA |

DFS oo taageertay Go’aankii Mareykanka cunaqabateynta ku saaray Rag Somalia

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhoweysay tallaabada ay dowladda Mareykanka  cunaqabeteynta ugu soo rogtay shakhsiyaadka dhanka maaliyadda iyo saadka ka taageera kooxda Al-shabaab.

Laamaha kala duwan ee dhaqaalaha ee Soomaaliya ayaa la faray inay ka fogaadaan la macaamilka iyo wadashaqeynta shakhsiyaadkan dembiileyaasha ah ee ku xusan liiskan cunaqabateynta.

Tallaabadan ay xukuumadda Washington qaaddey ayaa ka dhalatey baaritaano ay si wadajir ah u wadeen labada dowladood ee Soomaaliya iyo Mareykanka, waxayna qeyb ka tahay dagaalka lagu ciribtirayo Al-shabaab.

“Waxaa go’aankan uu sidoo kale ku soo beegmayaa iyadoo dowladda Soomaaliya ay dhowaan soo saartey awaamiir loogu digayo cid kasta oo dhaqaale ama lacago u uruurineysa argagixisada” ayaa lagu yiri Qoraalka kasoo baxay DFS.

Exit mobile version