Site icon HORUFADHI MEDIA |

DFS oo lagu wareejiyay Nin dil ka geystay Muqdisho oo Dibada u baxsaday

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa xalay laga soo dejiyay eedeysane dable Boolis Zakariye Cali Axmed Cosobow oo ku eedeysan inuu 28/July/2022, dil ka geystay gudaha degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir.

Eedeysanaha oo dilka ka dib ka baxsaday dalka ayaa laga soo qabtay dalka Koofurta Suudaan, kadib wadashaqeyn dhexmartay ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Booliska caalamiga ah ee loo yaqaano (Interpol).

Dable Boolis Zakariye ayaa degmada Dayniile gaar ahaan waaxda Kordamac dil ugu geystay dil bareer ah Marxuum Ex- Xidigle Boliis Cali Xasan Siyaad (Cali Tareen) oo ka tirsanaa ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Diyaaradda sidday eedeysane dable Boolis Zakariye Cali Axmed Cosobow ayaa xalay kazoo degtay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, waxaana lagu wareejiyay ciidanka Booliska dowladda, Afhayeenka Booliska ayaa sheegay in cadaalada la horgeynayo.

Garoonka  ayaa waxaa ku sugnaa xilligii eedeysanaha laga soo dejiyay Ehelada Marxuumka la dilay , saraakiil ka tirsan Booliska Soomaaliyeed iyo Boliiska Interpol iyo mas’uuliyiin kale.

Exit mobile version