Site icon HORUFADHI MEDIA |

DFS oo ka qeyb gashay Shirka dib u eegista Arrimaha Waxbarashadda Caalamka

Wasiirka Waxbarashadda, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Xukuumada Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Abuukar Xaaji, (Cabdullaahi Carab) iyo Wafti uu Hogaaminaayo ayaa magaalada Dubai ee Wadanka isku-taga Imaaradka Carabta uga qeyb gelay Shirka dib-u-eegista Arrimaha Waxbarashadda Caalamka(global partnership for Education) (GPE).

Wasiirka waxbarashadda ayaa kulamo gooni-gooni ah la yeeshay Wasiirka Waxbarashada dalka Tanzania Joyce Ndalichako, Madaxweynahii Hore dalka Tanzania jkaya kikweta oo hadda kamida madaxda Sanduuqa Caalamiga ah iskaashiga Waxbarashada iyo agaasimaha Waxbarashada ee Bank Aduunka Jaima Haayme.

Wasiirka ayaa Madaxda uu la kulmay kala kala hadlay sidii Waxbarashada Soomaaliya loo gacan siin lahaa iskaashi dhowna uu u dhax-mari lahaa daneeyayaasha Waxbarashadda Caalamka Iyo dowladda Soomaaliya

Shirkaan oo ay soo qaban-qaabisay hey’adda Duba Cares iyo Wasaaradda Arrimaha Dibadda (UAE) Ayaa ujeedadiisu tahay in la soo bandhigo fursadaha ay bahda waxbarashada caalamiga ah ku kaalmeyn karaan baahida waxbarasho ee ka jirta dunida sadexaad iyo sidii ay daneeyayaasha Caalamiga ah uga doodi lahaayeen dib u qaabeynta Waxbarashada Caalamka.

Exit mobile version