Site icon HORUFADHI MEDIA |

DFS iyo Finland oo kala saxiixday heshiis ku kacaya 8.64 Millions oo Dollar

Wasiirka Waxbarashadda Hiddaha iyo Tacliinta Sare Xukuumada Federaalka ee Soomaaliya  Eng Cabdullaahi Abuukar Xaaji iyo Safiirka dowladda Finland ee Soomaaliya Marwo; Johanna Jokinen ayaa kala saxiixday heshiis ku kacaya €7.65 Millions Euro oo u dhiganta $8.64 millions  Dollars, kaasi oo lagu taageeraayo horumarinta adeegyada Waxbarashada Caruurta Soomaaliyeed.

Wasiirka Waxbarashadda oo munaasabada hadal ka jeediyay ayaa ku amaanay dowladda Finland doorka wanaagsan ee ay ka qaateen horumarinta Waxbarashada Soomaaliya iyo wada shaqeynta wanaagsan ee kala dhaxeysa Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya.

Eng Cabdullaahi Abuukar Xaaji ayaa sheegay in heshiisyada noocaani oo kale ah ay fursad siineyaan Caruurta ka maqan goobaha Waxbarashada, sidoo kalana ay kaalin geysanayaan tayeynta Wxbarashada dalka.

Wasaaradda Waxbarashadda Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya iyo Hey’adda UNICEF ayaa deeqdaan lacageed siwadajira mashaariicda loogu tala galay ugu fulin doona guud ahaan dalka.

Exit mobile version