HORUFADHI MEDIA |

DF oo War kasoo saartay Duqeyn lagu burburiyay Gaadiid ay laheyd AS

Hawlgal qorshaysan oo ay iska kaashadeen Ciidanka Qaranka iyo saaxiibada Caalamiga ah ayaa xalay laga fuliyay deegaanka Shabeelloow ee koofurta gobalka Mudug.

Hawlgalka waxaa lagu beegsaday sida lagu sheegay War-saxaafadeedka dowladda goobo ay ku sugnaayeen Al-shabaab, gaar ahaan degaanada  hawdka ah.

Hadafka koowaad ee hawlgalka ayay sheegtay dowladdu inuu ahaa burburinta gawaari wadday dagaalamayaal iyo Saanad dagaal oo isugu jiray Hub, Cunto, Daawo iyo Waxyaabaha Qarxa.

War-saxaafadeedka kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu sheegay in Si dhamaystiran loo burburiyay gaadiidkaas, waxaana goobtaasi lagu dilay 20 dagaalame, waa sida lagu sheegay war-saxaafadeedka.

Exit mobile version