Site icon HORUFADHI MEDIA |

DF oo shaacisay in la qabtay xubno ka tirsan NISA oo Basaas u ahaa AS

Wasiirka Warfaafinta XFS, Daa’uud Aweys Jaamac oo shir jaraa’id ku qabatay wasaaradda warfaafinta ayaa sheegay in Hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka qaranka ee NISA ay gacanta ku soo dhigtay 10 basaasiin u ahaa Al-Shabaab ,kuwaas oo ku dhaxjiray hay’adaha Ammaanka.

Daa’uud Aweys Jaamac ayaa sidoo kale sheegay in kuwa kale oo ay kamid yihiin Cabdisataar Cabdiqaadir Ciise iyo Ayaanle Maxamed Cali, kuwaas oo ka tirsanaa hay’adaha amniga, isagoo shacabka Soomaaliyeed ku war-galiyay in aan lala tacaamuli karin kuwa baxsadka ka ah sharciga iyo laama amniga dowladda.

Dhanka kale Wasiirka Warfaafinta XFS ayaa intaas ku daray in la bilaabay  gabagabeeynta howlgalka wajiga koowaad ee Al-Shabaab ka dhanka ah, lagana bilaabi doono Galmudug iyo Hirshabeelle si loogu gudbo wajiga labaad ee dagaalka.

Dhanka kale waxaa u intaas ku daray in dhawaan u la bilaabi doono wajiga labaad ee howlgalka dalka lagaga xoreynayo argagixisada naf la caariga ah.

Exit mobile version