Site icon HORUFADHI MEDIA |

DF oo damaanad ka heshay Dal ay tageen Soomaali ka carartay dagaalka Ukraine

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Xukuumadda Soomaaliya Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa wadahadal khadka teleefoonka ah kula yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Ganacsiga ee Hungary, Péter Szijjártó.

Wasiir Cabdicaiis Muuse ayaa dhiggiisa Hungary kala hadlay sidii fursado waxbarasho loogu fidin lahaa ardayda Soomaaliyeed ee ka soo qaxay dagaalka ka socda Ukraine iyo la socoshada xaaladda ardayda Soomaaliyeed ee dalkaas gaaray.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya ayaa sheegay in Wasiirka Arrimaha Dibadda Hungary uu u ballan qaaday in Ardayda Soomaalida ee waxbarashada ka hakatay inay fursad siin doonaan.

“Waxaa ii farxad ah inaan la hadlo Péter Szijjártó, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Ganacsiga Hungary oo ii damaanad qaaday in ardayda Soomaaliyeed ee waxbarashadooda u hakatay qalalaasaha Ukraine la siin doono fursado waxbarashadooda ay uga sii wataan Jaamacadaha Hungary iyo deganaansho” ayuu yiri Wasiir Cabdisaciid.

Wuxuu intaas kusii daray Wasiir Cabdisaciid Muuse Cali “Waxa aan ku heshiinnay in si dhow ula socodsiiyo Wasiir Péter Szijjártó xaaladda ardayda Soomaaliyeed iyo arrimaha kale ee la xiriira. Waxa aan hiigsanaynaa inaan sare u qaadno , qota-dheereyno iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo Hungary”.

Exit mobile version