Site icon HORUFADHI MEDIA |

Deni oo diiday Qodobo ku jiray War-murtiyeedkii Shirka Golaha Wadatashiga Qaran

Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada maalmihii lasoo dhaafay uga socday magaalada Muqdisho ayaa lasoo gaba-gabeeyay, waxaana laga soo soo saaray War-murtiyeed ka kooban dhowr qodob.

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ayaa kulankooda uga doodey ajandeyaashii lagu balansanaa ee Astaynta awoodaha ee heerarka dowladda iyo Hannaanka Federaaleynta Garsoorka. Sidoo kale, Golaha ayaa iska wareystay xaaladda amni ee dalka, geedi-socodka dimuqraadiyadeynta iyo saameynta abaaraha.

Golaha Wadatashiga ayaa ku heshiiyay marka laga reebo Maamulka Puntland, in la qaato hannaanka isku-dhafka ah ee garsoorka iyo Astaynta Awoodaha heerarka dowladda kuwaas oo kala ah: awoodaha u gaar ah heer federaal, kuwo u gaarka ah heer DXDF iyo kuwo wadaagga ah.

Sidoo kale Golaha Wada-tashiga Qaran ayaa waxaa uu mar kale bogaadiyay guulaha isdaba joogga ah ee ay gaareen ciidanka qalabka-sida oo kaashanaya Shacabka Soomaaliyeed oo guud ahaan dalka lagaga saarayo  Al-shabaab.

Golaha ayaa waxaa ay isla-qaateen in la sameeyo guddi farsamo oo ka shaqeeya dhammaystirka heshiiskii Qaab-dhismeedka Amniga Qaranka ee April 2017, kahor 10 Janaayo 2023, si shirka  xiga ee Golaha Wadatashiga Qaran uu guddigaasi ugu soo gudbiyo talooyin iyo warbixin dhammaystiran.

Golaha Wadatashiga Qaran ayaa isla qaatay in u magacaabo guddi farsamo kahor 10 Janaayo 2023, si guddigaas uu u soo diyaariyo talooyin la xiriira sidii dalka looga dhaqan-gelin lahaa doorashooyin hal-beeg caalami leh.

Gaba-gabadii Golaha ayaa ku baaqay in lagu dhameeyo wixii tabashooyin ah ee jira shirka loo madlan yahay 5ta bisha Janaayo oo ay si wadajir ah ugu baaqeen Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo Madaxweynaha Dawladda Koonfur Galbeed.

Exit mobile version