HORUFADHI MEDIA |

DEG DEG: Waqtiga la qabanayo Doorashada Madaxweynaha Somalia oo la shaaciyey

Guddiga qaban-qaabada doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta oo khamiis ah soo saaray Jadwalka doorashada Madaxweynaha, kadib kulan ay ku yeesheen Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Qoraal ay soo saareen Guddiga doorashada ayaa waxaa lagu sheegay in diiwaan-gelinta Musharaxiinta u tartamaya xilka Madaxweynaha 10-aad ee dowladda Federaalka ay bilaabaneyso 8-da bishaan May 202, ayna ku egtahay diiwaan-gelinta 10-ka bishaan.

Guddiga doorashada ayaa hadal-jeedinta Musharaxiinta u qorsheeyay laba maalin oo ka bilaabaneyso 11-ka ilaa 12 bishaan May, waxaana Musharaxiinta ay Xildhibaanada u jeedin doonaa khudbado ay uga hadlayaan waxa ay qaban doonaan marka la doorto.

Ugu dambeyn Guddiga qaban-qaabada doorashada Madaxweynaha ayaa shaaciyay in doorashada Madaxweynaha 10-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya la qaban doono 15-ka bishaan May, isla markaana doorashada ka dhaceyso Muqdisho.

Exit mobile version