Site icon HORUFADHI MEDIA |

DEG DEG: Ra’iisul Wasaarihii hore ee Japan oo u geeriyooday dhaawacii soo gaaray

Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Japan Shinzo Abe ayaa Maanta u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray toogasho loo geystay,  xilli uu khudbad u jeedinaayay dad isugu soo baxay magaalada Nara  ee ay ka socdaan ololaha doorashada.

Toogasha oo markii hore kasoo gaaray dhaawac halis ah Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Japan Shinzo Abe ayaa waxaa la dhigay Isbitaal oo uu saacado kooban ku jiray, isagoona ugu dambeyn halkaas ku geeriyooday.

R/wasaarihii hore ayaa lagu weeraray waddo u dhow saldhigga Yamatosaidaiji ee Nara,Xilli uu  ku sugnaa halkaasi oo uu ka waday ololihiisa doorashada ee xubnaha aqalka sare ee baarlamaanka.

Muuqaallo uu baahiyey taleefishinka NHK ayaa muujiyey isaga oo taagan masraxa markii nin wata shaati leh midab cowl ah iyo surwaal qaxwe ah uu billaabay inuu gadaal kaga soo dhowaado kadibna uu wax kala soo baxay boorso oo uu billaabay inuu toogto.

Nin 41 jir ah oo looga shakisan yahay toogashadaasi ayaa xabsiga la dhigay,waxaana eedeysanahaasi oo magaciisa lagu sheegay Yamagami Tetsuya, uu heystay qori.

Dowladda dalka Jabaan, waxay si adag u cambaareysay falkaasi toogashada ah ee lagu weeraray R.wasaarihii hore.

Dilka siyaasiyigii ugu caansanaa Japan ayaa imanaya ayada oo Japan ay leedahay mid ka mid ah xeerarka ugu adag ee xakameynta hubka, iyo ayada oo uu socday ololaha doorashooyinka deegaanka ee dhacaya Axadda.

 

Exit mobile version