Site icon HORUFADHI MEDIA |

DEG DEG: Qarax khasaaro dhaliyey oo ka dhacay Shabeellaha Hoose & faahfaahin

Qaraxaan oo ahaa mid Miino ayaa barqanimadii Maanta waxaa uu ka dhacay  degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha hoose, waxaana qaraxa ka dhashay khasaaro kala duwan oo intooda badan gaaray dad Shacab ah.

Goobjoogayaal ayaa waxaa sheegeen in qaraxa lala beegsaday Guddoomiye kuxigeenkii hore Amniga Degmada Afgooye Xuseen Jibriil, xilli uu galayay gurigiisa oo kuyaalla wadada u dhaxeeysa Suuqa Jaadka & Saldhiga degmada Afgooye.

Wararka la helay ayaa sheegaya in qaraxa uu ku dhaawacmeen Guddoomiye kuxigeenkii hore Amniga Degmada Afgooye Xuseen Jibriil iyo Wiil Dhalinyaro ah oo la socday, kuwaas oo dhaawacooda la geeyay Isbitaalka degmada Afgooye.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Magaalada ayaa gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay, isla markaana xiray sidoo kale joojiyay isku socodka gaadiidka iyo dadka ee isticmaalayay goobta uu qaraxaas khasaaaha geystay ka dhacay.

Qaraxaan ka dhacay degmada Afgooye ayaa waxaa uu kusoo aaday, iyada oo xalay Al-shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhig Ciidanka dowladda Federaalka ay ku leeyihiin degmadaas gaar ahaan aaga Buundada yar.

Exit mobile version