Site icon HORUFADHI MEDIA |

DEG DEG: Qarax aad u xoogan oo Goor dhow ka dhacay Magaalada Jowhar

Qarax aad u xooggan ayaa ka dhacay gudaha magaaladda Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhaxe, gaar ahaan hotel lagu magacaabo Nuur Doob oo inta badan ay dagaan madaxda dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qaraxaan oo loo adeegsaday gaari nooca xamuulka qaada oo lagu soo buuxiyey walxaha qarxa, waxaana ka dhashay dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxa oo ahaa mid aad u xoog badan ayaa dhulka dhigay hotelka la weeraray ee Nuur Doob iyo hoteelo kale oo ku dhegan, waxaa sidoo kale qaraxa uu waxyeelo gaarsiiyay goobo badan oo magaalada katirsan.

Hotelka la qarxiyay ayaa la tilmaamay in ay degan yihiin inta badana ka cunteeyaan mas’uuliyiin katirsan maamulka Hirshabeelle iyo siyaasiyiin, walina si dhab ah looma oga khasaaraha qaraxan ka dhashay inta uu dhan yahay.

Exit mobile version