Site icon HORUFADHI MEDIA |

DEG DEG: Dowladda oo shaacisay in lasoo afjaray weerarkii Hotelka Xayaat

Taliska Ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaaciyay in lasoo afjaray howlgalkii saacadaha badan qaatay ee ka socday hotelka Xayaat oo Al-shabaab ay ku qaadeen weerar ku bilowday qaraxyo, iyagoona ka dhex dagaalamayey.

Taliyaha Booliska Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar oo shir Jaraa’id u qabtay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in howlgalkii ka socday hotelka Xayaat lasoo gaba-gabeeyay saqdii dhexe ee xalay, isla markaana ay Ciidanka gudaha u galeen hotelka.

Taliye Xijaar ayaa waxaa uu tilmaamay in Ciidanka dowladda Federaalka ay weerarka kasoo badbaadiyeen dad farabadan oo hotelka ku sugnaa, xilligii uu weerarka bilaabanayay, isagoona tacsi u diray dhammaan dadkii ku dhintay qaraxyada.

Sidoo kale Taliyaha Booliska ayaa sheegay in khasaaraha ka dhashay weerarkii hotelka Xayaat ay si faah faahsan uga warbixin doonto Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya, isla markaana shacabka Soomaaliyeed lala wadaagi doono.

Dad ku dhow 30 qof oo isugu jira dadkii ku sugnaa hotelka iyo Askar ka tirsan Ciidanka dowladda ayaa ku dhintay weerarkii Al-shabaab ku qaaday hotelka, halka dad kale oo farabadana ay ku dhaawacmeen, waxaana dhaawacyada lagu dabiibayaa Isbitaalada.

Exit mobile version