Site icon HORUFADHI MEDIA |

DEG DEG: Diyaaraddaha Dagaalka Itoobiya oo Duqeymo ka wada Hiiraan

Wararka aan ka heleyno deegaano hoostega degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas saaka oo Axad ah ay ka dhacday duqeyn diyaaradeed oo geysteen diyaaraddo dagaal oo ay leeyihiin Ciidamada Itoobiya.

Duqeynta diyaaradeed ayaa si gaar ah uga dhacday Buurta surtaag oo ku aadan deegaanka Bacda iyo goobo kale oo ay farriisimo ku lahaayeen xubno ka tirsan Al-shabaab, waxaana duqeynta geystay diyaaraddo joog hoose ku socday.

Qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa waxaa ay sheegeen in diyaaradaha ay duqeynta  la beegsadeen fariisimo dhowr ah, isla markaana weli maqlayo jugta qaraxyada madaafiicda ay tuurayaan diyaaradaha Itoobiya ee duqeymaha geysanaya.

Sidoo kale dadka ayaa ku warramay inay dareemayaan cabsi la xiriirta duqeynta ka socota deegaano hoostega degmada Matabaan, iyagoona intaas kusii daray in diyaaraddaha duqeynta wada ay ku socdaan joog hoose oo guuxooda la maqlayo.

Ilaa iyo hadda lama oga khasaaraha ka dhashay duqeynta, mana jiro wax war ah oo kasoo baxay dowladda Itoobiya oo ku aadan duqeynta saaka dhacday, Al-shabaab iyo Ciidanka dowlad deegaanka Soomaalida ayaa waxaa maalmihii dambe dhex-marayey dagaal khasaaro badan dhaliyey.

 

Exit mobile version