Site icon HORUFADHI MEDIA |

DEG DEG: Ciidanka Dowladda oo la wareegay gebi ahaan Degmada Ceeldheer

War goor dhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in ciidamada huwanta ee iskaashanaya ee ciidanka xoogga dalka, kuwa daraawiishta Galmudug iyo macwiisleyda ayaa saaka la wareegay gebi ahaan gacan ku heynta degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud.

Ciidamada ayaa si nabad ah oo dagaal la’aan kula wareegay degmada Ceeldheer oo 15-kii sanno ee lasoo dhaafay ay ku sugnaayeen dagaalamayaasha Al-shabaab, kuwaasi oo isaga baxay degmada, kana qaatay qalabkii ka yaallay Ceeldheer.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa warbaahinta u xaqiijiyay la wareegida degmada qadiimiga ah ee degmada Ceeldheer, halkaas oo ay haatan ka socdaan howlgalo amni xaqiijin ah.

Ciidamada xoogga iyo kuwa deegaanka ayaa lagu arkayaa iyaga oo dhex wareegaya gudaha magaalada, isla markaana wada howlgalo miinooyin dhowr ah looga soo saarayo gudaha degmada Ceeldheer oo ay dhulka ka geliyeen Al-shabaabkii ku sugnaa.

Ciidamada huwanta ayaa shalay la wareegay degmooyinka Xarardheere iyo Galcad ee ka kala tirsan Mudug iyo Galgaduud, Dowladda ayaa u muuqata mid soo afjareysa Al-shabaabkii sanado badan ku sugnaa deegaano muhiim ah.

Exit mobile version