Site icon HORUFADHI MEDIA |

Darawalka Guddoomiyihii hore ee G/Shacabka Mursal oo ku biiray Al-shabaab

Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa shaaca ka qaaday inuu darawalkiisii gaarka ahaa uu u goostay, kuna biiray dagaalamayaasha Al-shabaab.

Guddoomiye Mursal oo wareysi siiyay VOA-da ayaa u sheegay in darawalkiisa oo lagu magacaabo Xuseen Maxamed Xasan oo afartii sanno ee lasoo dhaafay la shaqeynayay uu aaday Al-shabaab, kuna biiray, taasina uu ku ogaaday Cod laga duubay Xuseen.

Maxamed Mursal ayaa tilmaamay in Xuseen uu markii hore kamid ahaa darawalada Wasaaradda Gaadhaandhigga Xukuumadda, isla markaana halkaas uu kasoo raacay illaa uu darawal gaarigiisa uu ahaa inta uu haayay Xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

“Ninkaas oo Xuseen ahaa 4 sanno ila shaqeynayey lama hayo sabab rasmi ah oo ninkii halkaas u aaday, laakiin waa inaan u deynyaa hay’adaha amniga,” ayuu yiri Mursal oo Carabka ku dhuftay inuusan garaneynin sababta keentay inuu Xuseen aado Al-shabaab.

Mursal ayaa ugu danbeyn sheegay in ninkaan laba maalin kahor uu ka tegay gurigiisa magaalada Muqdisho, kadibna markii la waayey lagu wargeliyay hay’adaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya, isagoona xusay in hay’addaha amniga laga war sugayo.

Xog la helayo ayaa sheegeysa in ninkan baxsaday ee u galay Al-Shabaab uu soo galay raadka weerarkii lagu qaaday hoteelka Villa Rays oo ku dhow xarunta madaxtooyada, ayadoo la qabtay dad u dhowaa isaga.

Exit mobile version