Site icon HORUFADHI MEDIA |

Dagaalkii ugu cuslaa oo ka socda Laascaano & Ciidanka Somaliland oo wada Duqeyn

Dagaal qaraar oo ka kulul kuwii shantii maalmood ee la soo dhaafay ka dhacayay magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa tan iyo saaka arroortii hore ka socda bariga iyo koonfurta magaaladaasi.

Dagaalkan xooggan ayaa imanaya saacado, uun kaddib markii Maamulka Somaliland ay shaaciyeen xabbad joojin aanay shuruud ku xirnayn, taasi oo dhaqan gelin, kadib markii dagaal xooggan uu dib uga  qarxay Laascaanood.

Illaa hadda lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalka saacadaha badan socda, kaas oo dhinacyada dagaallamaya ay isku eedaynayaan, hubka noocyadiisa kala duwan ayey dhinacyada isku  adeegsanayaan.

Ciidamada Somaliland ayaa hoobiyeyaal iyo hub kale ku garaacay gudaha Laascaanood, kuwaasi oo qaarkood ku dhacay Isbitaalka weyn ee magaalada, dad shacab ah ayaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday hoobiyeyaasha ay soo tureen ciidanka Somaliland.

Hoggaanka Isimada Gobolada SSC ayaa soo dhaweeyay xabad-joojinta ay ku dhawaaqday Somaliland, iyagoona sheegay in weli ciidanka maamulka Somaliland ay madaafiic ku garaacayaan magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool.

Isimadda ayaa sheegay in ay wakiilada caalamiga ah ay u sheegayaan in dhexdhexaadintooda ay guddi xaqiiqo raadin ah u soo diraan magaalada Laascaanod, kaas oo ay damaanad-qaadayaan amnigooda Isimadda dhaqanka.

 

Exit mobile version