Site icon HORUFADHI MEDIA |

Dagaalkii ugu adkaa oo Maanta ka socda Magaalada Kiev iyo Qaraxyo la maqlayo

Sida ku xusan Qoraal ay Bogga Facebook ku daabaceen militeriga Ukraine dagaalka xooggan ayaa goor dhaw ka bilaawday deegaanka Vasylkiv ee Caasima Kiev.

Dagaalka ayaa la sheegayaa inuu ku sii fidaayo waddooyinka  muhiimka ah ee caasimadda.

Warbaahinta  ku sugan Ukraine, gaar ahaan kuwa Caasimadda ku sugan ayaa ayaa sheegaya in dagaalka uu ka qarxay waddooyinka muhiimka ah ee caasimadda, qaarkood waxay sheegayaan in rasaas xooggan laga maqlayo bartamaha magaalada.

Dhinaca kale, sarakiisha ciidamada Ukraine ayaa waxay sheegeen inay soo rideen diyaar dagaal oo Ruushka laga leeyahay oo siday ciidamo aan tiradooda la xusuin.

Exit mobile version