Site icon HORUFADHI MEDIA |

Dagaalka ka socda Suudaan oo Maanta sii xoogeysty & Qaraxyo waaweyn oo dhacay

Dagaalka u dhexeeya ciidamada Militariga Suudaan iyo ciidamada sida militariga u tababaran ee ay kala hoggaamiyaan Jeneraalada iska soo horjeeda ee ka socda dalkaas Suudaan ayaa maanta galay mnaalintii saddexaad, dagaalka ayaana sii xoogeystay.

Dagaalka oo bilowday sabtidii ayaa kusii faafay qeybo badan oo kamid ah magaalada caasimadda u ah Suudaan ee Khartuum, waxaana dagaalka barbar socda duqeymo diyaaradeed, taankiyo iyo hubka lidka diyaaradaha iyo rasaas xooggan oo la maqlayo.

Qaraxyo waaweyn ayaa Isniinta maanta ah ruxay caasimadda Khartuum, Khasaaraha dhimashada dagaalka ayaa dhaafay 100 qof, sida laga soo xigtay kooxaha caafimaadka.

Rabshadaha ayaa dillaacay kadib toddobaadyo ay awoodda isku haysteen labada Jeneraal oo xukunka ku qabsaday afgambi 2021-kii, kuwaas oo kala madaxa ciidamada Sudan Abdel Fattah al-Burhan iyo ku-xigeenkiisa Mohamed Hamdan Daglo oo hoggaamiyaha ciidamada sida militariga u tababaran ee Dacmu Sariic.

Dadka dagaalka ku dhintay ayaa waxaa ku jira ciidamada ammaanka iyo dad rayid ahm, isla markaana waxaa aad u cakiran xaaladda magaalada Khartuum ee caasimadda dalka Suudaan.

Rabashadaha ayaa ku qasbay shacabka Sudan ee argagaxsan inay gabbaad ka dhigtaan guryahooda, ayaga oo ka cabsi qaba in dagaalka sii dheeraado, dalkuna lugaha la galo qalalaase.

Exit mobile version