Site icon HORUFADHI MEDIA |

Dagaal uu ku dhaawacmay Guddoomiye Degmo oo Caawa ka dhacay Muqdisho

Dagaal xooggan oo daqiiqado kooban socday ayaa fiidnimadii Caawa ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan isgoyska Siinaay, waxaana dagaalamay ciidamo ka wada tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dagaalkan ayaa bilowday, kadib markii bar koontarool oo ku taalla Siinaay uu diiday in lagu baaro gaari nooca Soomaalida u taqaano Qooqanta oo uu saarnaa Guddoomiyaha degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir.

Ciidamo ka tirsan Nabadsugida oo joogay isgoyska Siinaay ayaa ka diiday gaariga Guddoomiyaha in iyada oo aan baaris lagu sameeyn uu Barta koontarool ka gudbo, sidaasina ay rasaasta ku bilaabatay.

Dagaalka oo khasaaro isugu jiray dhimasho iyo dhaawac dhaliyey ayaa dhexmaray ciidankii Nabadsugida ahaa iyo ciidan ilaalo u ah Guddoomiyaha degmada Yaaqshiid.

Ugu yaraan 10 qof oo uu ku jiro Guddoomiyaha degmada ayaa ku dhaawacmay dagaalkaasi caawa dhacay, halka 4 qof kalena ay ku dhinteen, sida ay ku warrameen dad Goobjoogayaal ah.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in  xaaladda Isgoyska Siinaay ee magaalada Muqdisho ay tahay weli mid kacsan, waxaana halkaasi gaaray ciidamo NISA oo gurmad ahaa, kuwaasoo goobta lagu xoojiyay.

Exit mobile version