Site icon HORUFADHI MEDIA |

Dagaal khasaaro dhaliyey oo Maanta ka dhacay aaga Garoonka diyaaradaha Boosaaso

Ciidamo ka wada tirsan kuwa Maamulka Puntland gaar ahaan kuwa  PMPF-ta & PSF-ta ayaa ku dagaalamaya afaafka hore ee garoonka diyaaradaha ee Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.

Dagaalka labada Ciidan ayaa salka kuhaaya Ciidanka PSF oo doonayey in garoonka diyaaradaha Boosaaso laga soo dajiyo diyaarad ay la socoto kusimaha Madaxweynaha ahna guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Sacdiyo Xaaji Samatar, laakiin ciidanka Imaaraatka uu tababaray ee PMPF ay diideen in diyaaradda ay dagto.

Dhimashada laba qof iyo dhaawacyo kala duwan ayaa la xaqiijiyay inuu ka dhashay iska hor imaadka dhexmaray Ciidamada PSF iyo PMPF ee Puntland, waxaana socda dadaallo lagu kala qaadayo ciidamada, kuwaas oo ay wadaan isimada dhaqanka.

Ciidamada Puntland ka wada tirsan ayaa marar hore ku dagaalamay gudaha Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari, waxaana dagaalkooda ka dhashay khasaaro isugu jiray dhimasho iyo dhaawac.

Exit mobile version