Site icon HORUFADHI MEDIA |

Dagaal khasaaro dhaliyey oo ka dhacay xaafad ka tirsan Magaalada Muqdisho

Israsaaseyn u dhexeysa askar ka wada tirsan Milatariga Soomaaliya ayaa ka dhacday xaafadda Tarabuushka ee degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir, kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Dhawaqa rasaasta oo muddo kooban socotay ayaa si xoogan laga maqlay xaafado dhowr ah oo ka tirsan degmada Wadajir ee Gobolka, iyadoo cabsi ay soo wajahday shacabka ku dhaqan halkaasi.

Inta la xaqiijiyey waxaa shaqaaqadan ku dhintay ugu yaraan 2 askari, halka ay ku dhaawacmeen 2 kale oo ka mid ah dhinacyada dagaalamay.

Ma jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka iyo mas’uuliyiinta degmada oo ku aadan dhacdadaasi sababtay dhimasho iyo dhaawac.

Exit mobile version