Site icon HORUFADHI MEDIA |

Dagaal culus oo u dhexeeya Ciidanka DANAB & Al-shabaab oo ka socda Galgaduud

Dagaal culus oo u dhaxeeya Al-shabaab iyo ciidaanka dib u xoreynta ee macwiisleyda oo garabsanaya ciidanka DANAB ayaa hadda ka qarxay deegaanka Ceelgorof oo ku dhow Wabxo ee Gobolka Galgaduud.

Dagaalka ayaa yimid, kaddib markii ciidanka is garabsanaya ay weerar ku qaadeen fariisin Al-shabaab ku lahaayeen Ceelgorof. Juqta hubka dagaalka la isku adeegsanayo ayaa laga maqlayaa Maxaas iyo Wabxo iyo deegaanno kale oo fog-fog.

Ciidaanka dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Dib-u-xoreynta ayaan weli gacanta ku dhigan deegaanka Wabxo oo katirsan Gobolka Gal-gaduud.

Al-shabaab  ayaa Qaraxyo ku aasay wadooyinka iyo goobo fariisin u aheyd taasi oo hor istaagtay horu socodka ciidaanka, balse ciidaanka ayaa ku guuleestay bixinta Miinooyinkaasi.

In Al-shabaab laga saaro Wabxo ayaa ka dhigay in kooxdaasi kaddib Hiiraan markale ku jabi doonto dagaalka Gal-gaduud uga furay, waxaase loo badinayaa in Al-shabaab isku dayo doonaan in aay difaacdaan Wabxo oo Ceelbuur difaac u ah.

Exit mobile version