Site icon HORUFADHI MEDIA |

Dadkii ugu badnaa oo Maanta ku le’day Shil wadareed ka dhacay Masar

Ugu yaraan 32 qof ayaa ku geeriyootay, 63 kalena wey ku dhaawacmeen Shil wadareed Maanta oo Sabti ah ka dhacay Waddada iaku xirta magaallooyinka Cairo iyo Alexandria ee dalkaasi.

Hadal ka soo baxay Wasaaradda Caafimaadka ee Masaarida ayaa lagu sheegay inay Basas iyo  Gaadiidka Khaaska loo leeyahay ay qeyb ka ahaayeen Shil Wadareedkaasi ka dhacay dhabaha Lama-degaanka loogu magac daray  (Desert Road) oo 131 KM (82 miles) dhanka Waqooyi kaga toosan Caasimadda dalkaasi ee Qaahira.

Dhanka kale, Wargeyska Al-Ahraam ee ku hadla Afka Dowladda ayaa sheegay inay isku dhaceen Bas nooca Rakaabka iyo dhowr gawaarida yaryar, iyadoo uu dab ka kacay qaar ka mid ah gawaaridii galay Shilkaasi.

Wasiirka Caafimaadka ee dalka Masar,  Dr. Khaalid C/Qafaar waxa uu sheegay inay ugu yaraan 20 Gaadiidka Gurmadka ee Ambalaasta u direen halka uu shilku ka dhacay, iyadoo dadkii ku dhaawacmay Shilkaasi la dhigay Isbitaalo ku kala yaalla magaallooyinka Al-Natrun iyo Al-Nubaria.

Exit mobile version