Site icon HORUFADHI MEDIA |

Dad ku le’day Qarax xoog leh oo Maanta ka dhacay Suuq ku yaalla degmada…

Inta la xaqiijiyay afar qof oo shacab ahaa ayaa ku geeriyooday, halka 10 qof kalena waa ay ku dhaawacmeen, kadib qarax xoogan oo duhurnimadii Maanta ka dhacay gudaha degmada Bardaale ee Gobolka Baay ee Maamulka Koonfur Galbeed.

Qaar kamid ah Dad ka Agdhawaa goobta ayaa waxaa ay ku warrameen in Qaraxa oo ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ah ee laga hago meelaha fog-fog uu ka dhacay Suuqa  degmada Bardaale oo ay ku sugnaayeen dad reer miyi ah.

Suuqa uu qaraxu ka dhacay ayaa waxaa ku yaalla dukaaman maalmaha jimcaha ay dadka reer miyiga aad uga adeegtaan, iyo qeyb yar oo suuqa ka tirsan oo lagu iibiyo jaadka.

Wararka ayaa intaas waxaa ay kusii darayaan in Dhowr qof oo kamid ah 10-ka ruux ee dhaawaca kasoo gaaray qaraxaas ay xaaladdooda ay liidato, waxaana la geeyay Isbitaalka Magaalada, si loogu dabiibo.

Maamulka degmada Bardaale ee Gobolka Baay ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaan weli hadlin qaraxa sababay dhimashada iyo dhaawac ee Maanta ka dhacay gudaha degmadaas, sidoo kalena ma jirto cid sheegatay mas’uuliyaddiisa.

Exit mobile version