Site icon HORUFADHI MEDIA |

DAAWO:-Dad ku geeriyooday Qarax ka dhacay duleedka Muqdisho iyo Wararkii…

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax miino nooca dhulka lagu aaso ah ee laga hago meelaha fog-fog oo saaka ka dhacay duleedka Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho gaar ahaan deegaanka Garasbaaleey.

Dad goobjoogayaal ayaa waxaa ay ku warrameen in qaraxa miinada ah la geliyay laamiga dhinaciisa, isla markaana qaraxaas uu dhacay wax yar kahor markii uu wadada maray gaari ay saarnaayeen Ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.

Qaraxa ayaa qabsaday mooto ay saarnaayeen dad shacab ah, waxaana qaraxa ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dadkii saarnaa Mootada oo lagu sheegay nooceeda inuu ahaa Bajaaj.

Inta la xaqiijiyay laba qof ayaa ku geeriyooday qaraxii ka dhacay degaanka Garasbaaleey ee duleedka Magaalada Muqdisho, halka qof kalena uu dhaawac soo gaaray, kaasi oo durbadii dad goobta ka Agdhawaa ay ula carareen Xarun Caafimaad.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA 

Exit mobile version