Site icon HORUFADHI MEDIA |

Dad farabadan oo ku hoobtay Qarax Is-miidaamin oo lala beegsaday Safaarad

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhintay, halka laba qof kalena waxaa ay ku dhaawacmeen, kadib markii qarax is-miidaamin ah uu ka dhacay afaafka hore ee safaaradda dalka Ruushku ku leeyahay Caasimadda dalka Afghanistan ee Kabul.

Qaraxa oo ahaa mid xoogan oo uu fuliyey Is-miidaamiye ayaa waxaa lala beegsaday diblomaasi Ruush ahi, xilli uu u soo baxay bannaanka hore ee Xarunta safaaradda dalka Ruushku ku leeyahay Afghanistan, sida ay ku warrantay Warbaahinta dalka Ruushka.

Sidoo kale warbaahinta maxaliga ah ayaa intaas kusii dartay in diblomaasiga xilligii la qarxinayey uu u akhrinaayay magacyada muwaadiniin u dhashay dalka Afghanistan oo saf ugu jiray inay qaataan dal ku galka Ruushka.

Illaa hadda xog badan lagama bixinin xaaladda diblomaasiga la bartilmaameedsaday.

Khalid Zadran oo ah afhayeenka booliska ee Kabul ayaa sheegay in qof ismiidaamiyey inuu fuliyey weerarka lala beegsaday safaaradda Ruushka, hase ahaatee wuxuu sheegay afhayeenku in ciidamada ilaalada ee Taliban inay dileen qofka ku hubaysnaa walxaha qarxa, ka hor intii aanu gaadhin bartilmaameedka uu u socday.

Exit mobile version