HORUFADHI MEDIA |

Dacwad lagu soo oogay Shirkad Ajnabi ah oo loo gudbiyey Maxkamadda G/Banaadir

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa Maxkamadda Gobolka Banaadir u gudbiyay shirkad Ajnabi ah oo lagu magacaabo Aumotaivte Managementa Service, taasi oo lagu eedeeyay arrimo la xiriira lacag dhaqid iyo canshuur la baxsasho.

War-saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha ayaa lagu sheegay in Xafiiska uu baaris ku sameeyay Shirkadda Aumotaivte Managementa iyo Maareeyaheeda Soomaaliya, kadib markii ay soo saartay warbixin dembi ah oo ku aadan Shirkaasi.

Shirkadda Aumotaivte Managementa Service iyo Maareeyaheeda Xafiiska Soomaaliya ayaa lagu soo eedeeyay dembiyada kala ah lacag dhaqis, la baxsasho canshuur iyo ku xad-gudubka xeerka shirkadaha ee dalka.

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa sidoo kale waxa uu Maxkamadda Gobolka Banaadir ka codsaday in lasoo muddeeyo dhageysiga dacwadooda, si loo guda-galo maxkamadaynta.

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa boggaadiyay muwaadiniinta Soomaaliyeed ee sida joogtada ah ula soo wadaagaya Xafiiska warbixinada dembiyada ah, wuxuu sidoo kale Xafiiska u digay dhammaan shirkaddaha ajaanibta ah ee dalka ku sugan.

Hoos ka Akhriso War-saxaafadeedka Dacwada

 

 

 

Exit mobile version