Site icon HORUFADHI MEDIA |

DAAWO: Xukuumadda Soomaaliya oo Digniin u dirtay Kalluumeysatada

Wasaaradda Dekedaha iyo gadiidka Badda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa uga digtay Kalluumeysatada Soomaaliyeed in meelo fog fog oo badda gudaheeda ah ay tagaan inta lagu guda jiro xilliga bad xiranka.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dekedaha iyo gadiidka badda Maxamed Cismaan Cali (Dhagaxtuur) ayaa in Kalluumeysatada Soomaaliyeed ay wasaaradda ay uga digeyso inay badda ku fogaan inta ay jiraan dabeylaha, taasi oo keeni karta in khasaare uu soo gaaro.

Agaasime Dhagaxtuur oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa u sheegay in laga bilaabo Maanta la galay xillaga bad-xeranka oo lagu jirayo ilaa 15-ka bisha 9-aad 2022, ayna ku wargelinayaan kalluumeysatada oo badda u doonta kalluunka.

Inta lagu guda jiro xiliga Bad xeranka ayay Kalluumeysatada Soomaaliyeed la kulmaan  khasaarooyin is kugu jira mid Naf iyo Maal, iyadoona mararka qaarkood dhacda in gudaha badda lagu waayo doomo iyo kalluumeysata la socota.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA 

Exit mobile version